24 jirkan ayaa Axaddii toddobaadkan waxa uu tegay saldhig boolis oo ku yaalla magaalda Paris oo u dhow goobta uu kufsigu ka dhacay. Mar kale ayay boolisku waraysi la yeesheen laacibkan ka hor intii aanay khamiistii shalay baadhheyaasha kiiskani su’aalo weydiinin Hakimi.
Duhurnimadii maanta ee waqtiga Geeska Afrika ayey xeer ilaalinta Faransiisku xaqiijisay in ay dacwad rasmi ah ku oogaan Achraf Hakimi kaddib markii ay macluumaad badan ku heleen su’aalihii khamiistii.
Laakiin qareenka Hakimi ayaa eedaymahan ku tilmaamay kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, islka markaana sumcadda lagaga dilayo laacibkan, laguna dhaawacyo waayihiisa ciyaareed.
PSG ayaa iyaduna soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegtay, in ay tahay mid u taagan ilaalinta ixtiraamka gudaha iyo bannanka garoonka, hase yeeshee faahfaahin dheeraad ah ma aanay bixin.
Xiddigan ku dhashay magaalada Madrid ee kasoo baxay kulliyadda da’yarta Real Madrid ayaa shalay la sheegay inay kala tageen xaaskiisii Hiba Abouk oo fasax ugu maqan magaalada Dubai, iyadoo intii ay halkaas ku sugnayd uu Hakimi gabadha uu kufsaday la tegay guriga ay xaaskiisu ka maqnayd.
0 Comments