XARARDHEERE (ayaanle media) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug aya sheegaya in saacadihii la soo dhaafay duqeyn ka dhacday duleedka degmada Xarardheere lagu qarxiyay laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Diyaaradaha dagaalka ee weerarkan fuliyay ayaa kaabayay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee howlgallada ka wada halkaasi, waxayna bartilmaameedsadeen goobo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay xubnihii Al-Shabaab ee diyaarinayay qaraxyadaasi oo lala damacsanaa fariisimaha ciidamada huwanta ee ku yaalla gobolkaasi.
Guddoomiyaha degmada Xarardheere oo la hadlay ayaanle24 ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarkan, wuxuuna tilmaamay in khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in ciidanka huwanta saacadihii ugu dambeeyay ay la wareegeen illaa 7 deegaan oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo ka mid ah deegaanada maamulka Galmudug.
0 Comments