Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Axmad Rashiid oo dacwad dil ah wajahaya oo markale codsi u gudbiyay maxkamadda

Axmad Rashiid oo ah sarkaal booliis oo ku eedeysan inuu sanadkii 2017-kii xilli galab ah xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi uu ku toogtay labo dhallinyaro ah, ayaa maxkamadda gaynaya codsi uu ku doonaya in laga laabto go’aan maxkamadda sare ka soo baxay.
Garsooraha maxkamadda sare Kanyi Kimondo ayaa diiday codsi uu sarkaalkan ku doonayay in la joojiyo qirashada dacwadda lagu soo oogay ee la xiriirta dilka.
Maxkamadda sare ayaa sheegtay in Axmad Rashiid codsigiisa la dhageysan doono marka la go’aamiy dacwadda ka dhanka ah ee uu wajahaya.
Rashiid ayaa ku dooday in muddo 22 sano ku dhow uu yahay askari booliis ah oo qaranka u adeegayay, islamarkaana uu yahay sarkaal sharciga ilaaliya oo aan waligiis si khaldan u isticmaalin hubkiisa.
Waxaa uu maxkamadda ka sheegay in aan waligiis looga yeerin xarunta maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee IPOA, uuna dacwadda ay ka gudbiyeen ka ogaaday baraha bulshada.
Dhanka kale maamulka IPOA ayaa ku dooday inuu sameeyay baaritaano madax bannaan, isagoo ku taliyay in Axmad Rashiid lagu soo oogo dacwad dil ah.
Ganacsatada xaafadda Islii ee deegaanka Kamkunji ee ismaamulka Nairobi oo ay xubno ka yihiin 24,000 oo qof ayaa waaxda dacwad soo oogidda ku boorriyeen in ay joojiyaan eedeymaha loo haysto sarkaal Axmad Rashiid oo ay sheegeen in uu ku dhaqmay sharciga.
Waxaa ay hoosta ka xarriiqeen inuu door ka qaatay la tacaalidda falal amni darro oo xaafadda Islii saameyn ku lahaa .

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement