Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa la xaraashayaa, waxaanay gacntiisa ku dhacaysaa maalqabeen u dhashay waddanka Iran oo ka bixinaya $3.75 bilyan oo dollarka Maraykanka ah, taas oo ka dhigan in naadiyada waaweyn ee horyaalka Premier League ay kusii siqayaan inay noqdaan hanti laga leeyahay bariga dhexe.Bilyaneerka reer Iran ee Jahm Najafi ayaa diyaariyey dalab xambaarsan $3.75 bilyan oo dollar oo uu dul-dhigay Tottenham oo la sheegay in mulkiilahaeeda Joe Lewis oo 85% ay shirkadda ENIC International Ltd. leedahay mulkiyadda kooxdan uu go’aamiyey in la iibiyo inta lagu jiro xilli ciyaareedkan socda.Wargeyska Financial Times ee kasoo baxa waddanka Maraykanka ayaa sheegay, in mulkiileyaasha Tottenham iyo Jahm Najafi ay wada-hadallo toos ah u socdaanNajafi oo reer Iran ah ayaa haysta dhalashada waddanka Maraykanka oo uu ku leeyahay ganacsiyo waaweyn, waxaana uu guddoomiya ka yahay shirkadda MSP Sports Capital oo samaysa maalgelino waaweyn oo dhinaca ciyaaraha iyo dhismeyaasha garoomada ah.
Joe Lewis ayaa ku wargeliyey Daniel Levy oo ah guddoomiyaha kooxda, in toddobaadyo ka hor uu soo gaadhay dalabka uga yimid Najafi oo uu ka iibinayo kooxda, sidaas daraadeedna ay diyaariyaan xogta dhamaystiran ee hantida kooxda ee qalab, ciyaartooyo iyo maaliyadeed oo ay ku jiraan ciyaartoyda amaahda kaga maqanNajafi ayaa ay shirkaddiisu yeelan doontaa 70 boqolkiiba mulkiyadda Tottenham oo hoos tegi doonta shirkaddiisa MSP, inta kale ee soo hadhay oo ah 30% waxa loo reebi doonaa inay saamiyo u noqdaan shaqsiyaadkii hore u taageeri jiray kooxda oo intooda badan ah maalqabeenno Briga Dhexe ah oo ay qaarkood yihiin reer Abu Dhabi.
Najafi ayaa hore saami ugu lahaa kooxda horyaalka NBA-da Maraykanka ee Phoenix Suns, waxaana uu usoo ruqaansaday dhinaca kubadda cagta oo uu doonayo inuu la wareego Tottenham si uu ula xafiiltamo maalqabeenka Maraykanka ee Todd Boehly oo sannadkii hore iibsaday Chelsea.
0 Comments