Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Qarax khasaare geystay oo ciidamada Kenya lagula eegtay magaalada Gaarisa


  
NIAROBI (ayaanle mrdia) – Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan Booliska Dalka Kenya waxaa lagula eegtay waddada xiriirisa Magaalada Gaarisa iyo xeryaha Qaxootiga Dhahaab ee Dalkaasi.

 

Booliska Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan sedex askari ay ku dhinteen, isla-markaana uu mid kale dhaawac soo gaaray kadib markii uu qarax haleelay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan Booliska, gaar ahaan kuwa u qaabilsan ammaanka xuduudka.

Askariga dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaal ku yaalla Magaalada Gaarisa, ka hor inta aan loo qaadin xarumaha caafimaad ee Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka kenya.

Booliska ayaa ku eedeeyay Ururka Al Shabaab in ay mas’uul ka ahaayeen qaraxaasi lagu beegsaday askartooda.

Dhanka kale illaa hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, inkastoo Al Shabaab inta badan weeraro noocan oo kale ay ka fuliyaan halkaasi.

Bishii la soo dhaafay, ugu yaraan afar qof oo ay ku jireen injineero ka tirsanaa maamulka Wadooyinka ee Dowladda Kenya ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Magaalada Gaarisa.Dalka Kenya, gaar ahaan gobolka waqooyi barri ayaa inta badan waxaa ka dhaca qaraxyo iyo weeraro gaadmo ah oo inta badanna ay mas’uuliyadoodu sheegtaan Ururka Al Shabaab.


Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement