Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Newcastle United oo Si Wayn uga carooday garsooraha loo dhiibay finalka Carabao Cup ee ay Manchester United isaga Hor imaanayaan

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Newcastle United ayaa cadho ka  muujiyey garsooraha loo dhiibay finalka Carabao Cup ee ay Manchester United iskugu soo baxeen, taas oo loo cayimay inay garoonka Wembley Stadium ku kala  calaf-qaadaan Axadda ay taariikhdu tahay February 26.Newcastle United ayaa u dagaallami doonta inay ku guuleysato koobkeedii ugu horreeyey tan iyo sannadkii 1955kii, waxaase ka horreysa Red Devils oo qaab ciyaareed fiican ku jirta oo ay ka go’an tahay in ay iyaguna soo afjaraan shan sannadood oo xidhiidh ah oo ay koob la’aan ahaayeen.Xidhiidhka garsooreyaasha  Ingiriiska ee PGMOL ayaa waxa uu kulankan u doortay inuu dhexdhexaadiyo garsoore David Coote, hase yeeshee waxa markiiba ka falceliyey jamaahiirta Newcastle United oo ku eedeeyey inuu taageere u yahay Manchester United oo waliba uu bartiisa Facebook u saaran yahay garoonka Old Trafford.Inkasta oo saxaafaddu ay xaqiijisay, in cinwaanka Coote ee ay taageereyaha Newcastle arkeen uu been yahay oo aanu ahayn midka dhabta ah ee garsoorahan, haddana waxay isku raaceen in uu mar walba David Coote u xagliyo dhinaca Manchester United.

Waxa kale oo ay taageereyaasha Newcastle United sheegeen, in koobkan lala doonayo Manchester United sababtoo ah garsooraha loo dhiibay.Mid ka mid ah taageereyaasha Newcastle ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray: “Miyaad kaftamaysaan? Ma David Coote oo si badheedh ah u taageera Man United ayaad ciyaartan u dhiibteen? Miyaanu David Coote ahayn?

“Hadda waa garsooriihii sannadkii hore nagu jiibsaday kulankii Stamford Bridge. Waa isla David Coote-hii. Magaca ma waxay kala soo baxaan koofiyadda FFS?’

Taageere labaad ayaa isaguna soo qoray: “Hubaal kooxdu way ka mudaharaadaysaa caddaalad-darrada, haddii uu yahay taageere Man United ah. Waanu ka naxnay magagaabistiisa.”

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement