Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in Kulanka Maanta uu jiro kana soo qeyb galaan, iyada oo Ajandayaasha ay Kulanka Maanta ay kala yihiin:
- Ka doodista Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka Dhulka Hoostiisa.
- Ka doodista Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
Sabtidii todobaadkaan ayaa kulan ay yeesheen Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa loo qeybiyay qaar kamid ah hindise sharciyadeedyada ay ka doodi doonaan, si ay dhawaan u meel mariyaan.
0 Comments