Taliska Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay inaysan jirin dad shacab ah ah oo ku dhintay kuna dhaawacmay duqeynta oo ka dhacday deegaan fog oo qiyaastii 45 KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan degmada Hobyo.
Hawgalka AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkan uu ka dambeeyay codsi uga yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, uuna ahaa mid ‘is-difaac ah; oo ay si wadajir ah u fuliyeen iyaga oo taageeraya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee wada howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Taliska Hawgalka AFRICOM wuxuu taageero siiya dowladda Soomaaliya si ay wax uga qabato khataraha argagixisada, waxaan kaliya qeyb ka nahay dadaalka Mareykanka,” ayuu yiri taliyaha AFRICOM Gen. Michael Langley.
0 Comments