Sean Dyche ayaa la filayaa inuu shax ciyaareedkiisii uu ku caan baxay ee 4-4-2 kusoo galo isagoo laba weeraryahan ku ciyaari doona.Sidoo kale waxa farxad u ah in James Tarkowski iyo Dwight Mcneil oo uu hore Clarets ugu haysan jiray ay haatan la joogaan Toffees.
Arsenal dhinaceeda waxa ka maqnaan doona Elneny, Gabriel Jesus iyo Smith-Rowe halka uu tababarka buuxa kusoo noqday Reiss Nelson.
Tababare Arteta ayaa nasin kara Thomas Partey oo dhaawac fududi ku gaadhay kulankii FA Cup ee Man City isagoo kusoo bilaabaya saxeexa cusub ee Jorginho.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Everton (4-4-2): Pickford; Coleman, Tarkowski, Coady, Mykolenko; Iwobi, Gueye, Onana, McNeil; Gray, Calvert-Lewin
Arsenal (4-2-3-1): Ramsdale; Ben White, Saliba, Gabriel, Zinchenko; Jorginho, Xhaka; Saka, Odegaard, Martinelli; Nketiah
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Goodison Park
Wakhtiga: 3:30 galabnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: David Coote
0 Comments