Ciyaaryahanka ree Ghana ee Christian Atsu oo hore mar loo sheegay war ah in la helay ayaan wali la helin oo lagu dhex waysan yahay dhul gariirkii dhawaan ka dhacay dalka Turkey.Wakiilka xiddigii hore ee Chelsea, Newcastle iyo Everton ayaa sheegay inaan wali ciyaaryahankiisa la helin iyadoo warka kasii naxdinta badani yahay in beer kabo ah oo uu leeyahay laga dhex helay burburka dhul gariirku sababay.Haatan waxa sii kordhaya werwerka laga qabo haddii uu nool yahay Atsu maadaama aan la arag tan iyo markii dhul gariirka cabirkiisu yahay 7.8 Magnitude ku dhuftay Turkey iyo Syria Isniintii hore.Wararka hore u jiray ee ahaa in laga samato bixiyay burburka ayay beenisay kooxdiisa Hatayspor iyadoo hadda wakiilkiisu qoraal ku caddeeyay inaan mudo la arag.
Atsu ayaa kooxaha Premier League u diiwaan gashanaa 2013 markii lagu naanaysay Ghanian Messi ilaa 2021 balse haatan ku sugnaa Hatayspor.
0 Comments