JALALAQSI (ayaanle media) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay deegaanka Inji oo hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada huwanta ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.
Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee howlgalka horkaceysay ayaa shaaca ka qaaday in xubnaha Al-Shabaab ay doonayeen inay ka gudbaan wabiga, balse ay ka hortageen.Sidoo kale waxa ay saraakiishu tilmaameen in khasaare culus ay gaarsiiyeen xubnaha Al-Shabaab ee lagu weeraray deegaanka Inji ee gobolka Hiiiraan.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.
Hiiraan ayaa ka mid ah gobollada uu ka socdo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo deegaano badan ay ku qabsadeen ciidamada huwanta ee ku sugan gobolkaasi.
0 Comments