Labada kooxood ayaa xilli ciyaareedkan hal mar oo hore kulan FA Cup ah ku kulmay Etihad iyadoo Sky Blues guul 1-0 ah gaadheen.Ceebta weyn ee Gunners doonayaan inay iska dhaqaan caawa ayaa ah in Man City ka adkaatay tobbankii kulan ee ugu dambeeyay ee ay horyaalka ku kulmeen.
Arsenal ayaa ka warqabta in guuldarradii 11-aad oo xidhiidh ah oo caawa City kasoo gaadhaa inay horyaalka hoggaankiisa seejinayso.
Arsenal ayaa sidoo kale lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Emirates Stadium kula ciyaartay Arsenal dhammaantood guuldarrooyin kala baxday garoonkeeda.
Xogta u fiican Gunners iyo jamaahiirteeda ayaa ah in iyaga iyo Newcastle United yihiin labada kooxood ee kaliya ee aan wali horyaalka guuldarro kula kulmin xilli ciyaareedkan garoomadooda.
0 Comments