Bayern ayaa dhawaan xaqiijisay inay heshiiska amaahda ah ee Cancelo bilaash ku dhammaysay oo aysan wax lacag ah ka bixin balse 70 Milyan oo euro ay rasmi kaga dhigi karaan xagaaga.
Wargeyska 90min ayaa sheegay in Chelsea booskeeda daafaca bidix u doonayso Cancelo sababtoo ah inaysan ku qanacsanayn Marc Cucurella oo 70 Milyan oo euro xagaagii ugu soo biiray halka sidoo kale aysan kalsoonidii hore ku qabin Benjamin Chilwell.Walow Bavaria ay doorbidayaan inay Cancelo rasmi ula wareegaan haddana lama filayo inay 70 Milyan oo euro ka bixiso 28 sano jirkaas.
Taas ayaa ah sabab gacanta sarre siinaysa Chelsea iyo mulkiilaheeda Todd Boehly oo 350 Milyan oo euro kusoo bixiyay suuqii dhawaa ee January.
0 Comments