Borussia Dortmund waxa ka dhaawacan Abdoulaye Kamara iyo Youssoufa Moukoko oo isagu ku dhaawacmay kulankii Wender Bremen ee toddobaadkan.Tababare Edin Terzic ayaa la filayaa inuu shax ciyaareedka 4-1-4-1 kusoo shirtago isagoo daafaca kusoo bilaabaya Niklas Sule, Nico Schlotterbeck, Julian Ryerson iyo Raphael Guerreiro.
Chelsea dhinaceeda waxa dhaawacyo ka qaba xiddigaha kala ah Raheem Sterling, N’Golo Kante, Denis Zakaria, Wesley Fofana, Mateo Kovacic, Armando Broja, Christian Pulsic iyo Edouard Mendy.
Daafaca cusub ee Blues ee Benoit Badiashile ayaan kulankan qayb ka ahayn maadaama aan lagu darin oo uu ka buuxsamay liiska Champions League ee kooxdiisa.
Trevoh Chalobah ayay macquul tahay inuu daafaca dhexe kaga soo hormaro Koulibaly halka Cucurella oo kulankii West Ham eedaymo badan la kulmay booskiisa u waayi karo Chilwell oo dhaawac kasoo laabtay.
Loftus-Cheek ayaa markale khadka dhexe kala ciyaari kara Enzo halka Hakim Ziyech haddii uu kasoo hormaro Madueke uu weerarka kala qayb noqonayo Felix, Mudryk iyo Havertz.
Shaxaha Macquulka Ah
Borussia Dortmund (4-1-4-1): Kobel; Ryerson, Sule, Schlotterbeck, Guerreiro; Can; Reyna, Bellingham, Reus, Brandt; Haller
Chelsea (4-2-3-1): Kepa; James, Chalobah, Silva, Chilwell; Loftus-Cheek, Fernandez; Ziyech, Felix, Mudryk; Havertz
Xogta Kulanka
Tartanka: Champions League
Garoonka: Signal Iduna Park
Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Jesus Gil (Spain)
0 Comments