Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Arrin ku saabsan Farmaajo iyo Laascaanood oo labo jeer hadal-heyn ka dhalisay Soomaaliya

Xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo ciidamada deegaanka Laascaanood ayaa cirka isku sii shareertay xilli uu dagaal ka socdo magaaladaas. Dad badan ayaa ku dhintay dagaalka halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, laakiin lama hayo tiro rasmi ah ee wadarta guud ee dadka ku waxyeeloobay.

Labada dhinaca midba midka kale ayuu ku eedeyanayay in uu dagaalka soo qaaday. Mas'uuliyiinta Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa garaaddada ku eedeeyay inay dagaalka soo abaabuleen halka dhinaca kale garaadadu ay sheegeen in ciidanka Somaliland ay dagaal kusoo qadeen magaalada. Somaliland ayaa gacanta ku heysay Laascaanood wixii ka dambeeyay 2007dii markaas oo ay dagaal uga qabsatay dowlad goboleedka Puntland.ay aaminsan tahay.

"Dadkaas doorashadooda [qaabka loo sameeyay] waa hab aan la yaabanahay, xuquuqdoodi waxaa la raaciyay Somaliland, haddana siyaasiyiintoodii iyo doorashadoodii waxaa la raaciyay Puntland, sidey isu qaban kartaa? Maxay u noqon waayeen sida dadka Somaliland halkan loogu dooranayo?," ayey tiri Rooda.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka fal celinayay hadalkeeda ayaa yiri: "Su'aasha Rooda ee ay kaga hadashay doorashada Sool iyo Sanaag, way adag tahay, kama jawaabi karo, raalli iga ahow."

Dhawaan waxaa baraha bulshada lagu hadal hayay in madawxeyinihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan ka hadlin xaaladda Laascaanood maadama uu yahay shakhsi saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Banaadir, Cali Yare ayaa ka mid ah dadka arrintan ku hadal-hayay baraha bulshada.

Qoraalka Cali Yare

XIGASHADA SAWIRKA,FACEBOOK

Markii dambe madaxweynihii hore ayaa boggiisa Facebook uga hadlay markii ugu horreysay dagaalka Laascaanood, wuxuu ku baaqay in la joojiyo colaadda.

"Waxaan si gaar ah murugada tacsida ula wadaagay Madax-dhaqameedka deegaanka oo aan khadka talefoonka kula hadlay, shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee awalba la daalaadhacayay colaadaha, maanta ma xamili karaan colaad iyo dhibaato hor leh, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo dirirta,"ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.

Dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay ayuu Farmaajo boggiisa Facebook soo dhigay qoraal uu eedeyn ugu jeediyay Somaliland.

"Waxaan murugada la qaybsanayaa ehelada iyo qaraabada dadkii birimageydada ahaa ee ciidanka Somaliland ay ku laayeen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool," ayuu yiri qoraalkiisa.

Sagaalkii maalmood ee lasoo dhaafay ayuu Laascaanood ka socday dagaalka u dhaxeeyay ciidamada Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo dadka deegaanka oo ay horkacayaan garaaddada

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement