Heshiiska Messi ee PSG ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu markaas qaab xor ah uga tagi karaa hadii uuna heshiis cusub u saxiixin.Messi ayaa lala xidhiidhinayay ku laabashada Barcelona tan ilaa markii uu ka tagay kooxda iyada oo kooxdu marar badan isku dayday in ay dib u soo ceshato.
Laakiin hadda Messi aabihiis Jorge, oo sidoo kale ah wakiilkiisa ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in uu ku laaban karo kooxda Barcelona.“Uma malaynayo in Leo uu mar kale u ciyaari doono Barcelona,’ Jorge ayaa u sheegay wargeyska Sport.
“Shuruudaha lama buuxin. Ma aanan la hadlin [madaxweynaha Barcelona Joan] Laporta, mana jiro wax dalab ah oo miiska saaran”.
0 Comments