Dalka Qatar gaar ahaan amiirka dalkaas ayaa xiisaynaya heshiis ay ku iibsanayaan kooxda suuqa taalay mudooyinkan ee Manchester United oo uu maanta ku eeg yahay wakhtiga dalabaadka laga gudbinayaa.Qoyska Glazer Family oo ay si weyn uga cawdaan taageerayaasha kooxdaasi ayaa ugu dambayn suuqa dhigay kooxda maadaama oo aysan doonayn inay bixiyaan lacagaha dib u habayn badan oo ay u baahan tahay si gaar ahaaneed gegida Old Trafford iyo xerada tababarka.Haddaba, sida uu ugu horreynba sheegay il-wareedka Bloomberg ee arrimaha ganacsiga ka faaloodaa, Qatar ayaa qorshaynaysa inay maanta dalab 5 Bilyan oo pound ah ka gudbiso iibka Manchester.
Warkaas ayaa quus goyn u ah ninka ugu taajirsan Brittain ee Sir Jim Ratcliffe oo aan doonayn inuu bixiyo wax ka badan 4 Bilyan oo pound walibana soo daynsanayay lacagta uu dib u habaynta ugu samaynayo xerooyinka kooxda.Dhinaciisa wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in marka ay Qatar maanta dalabka gudbiso ay macquul tahay in iibka kooxda la dhammaystiro dhammaadka bisha dambe.
0 Comments