Ciidamada Kenya ayaa 16-kii February waxa ay saddex ka tirsan Al-Shabaab ku dileen degaanka Sarira oo ka tirsan gobolka xeebta ee Lamu, una dhow xadka Soomaaliya, sida uu sheegay wargeyska Daily Nation.
Saddexda xubnood ee ka tirsan Al-Shabaab ayaa la dilay wax yar ka dib markii bam ay ku xireen waddo dhinaceeda, sida uu wargeysku sheegay.
Ciidamada oo ku howlgala magaca Amani Boni, ayaa sidoo kale soo furtay labo qori oo AK-47 ah iyo labo qalab raadiyaha ah, ayay raacisay.
Ciidamada Kenya ayaa Amani Boni bilaabay sanadkii 2015 si ay uga saaraan Al-Shabaab oo la aaminsan yahay in ay ku dhuumaaleysanayaan keynta Boni ayna qal qal geliyaan xasiloonida degmooyinka Lamu iyo Garissa.
0 Comments