Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Xasan Sheekh iyo Farmaajo oo ku kulmay magaalada Dooxa

Qoraal ka soo baxay aqalka madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee dalka Qatar Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore ee dalka, dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement