11 qof ayaa isugu soo haray liiska shakhsiyaadka doonaya inay noqdaan saraakiisha sare ee guddiga qaran ee adeegga booliiska ee (NPSC).
Waxaa uu qorshuhu yahay in dadkan ay iska xaadiriyaan xarunta dhexe ee guddiga adeegga dadweynaha ee PSC si loo turxaan bixiyo.
Tani ayaa timid ka dib markii muddo xileedka xubnihii guddiga NPSC uu dhamaaday dabayaaqadii sanadkii hore.
30-kii bishii koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii la xayeysiiyay jagooyinka ka bannaan guddiga qaran ee adeegga booliiska.
Waxaa codsiyo soo dirsaday 303 qof oo laga soo xushay 11 ka mid ah.
0 Comments