Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Barcelona Frenkie de Jong, oo 25 jir ah, ayaa sidoo kale weli diirada u saaran Manchester United xagaagan. (Sport – in Spanish)
La wareegidda Manchester United ayaa dib u dhac ku imaan karta iyadoo milkiilayaasha haatan ee Glazers ay doonayaan qiimo sare oo dhan 6 bilyan oo gini kooxda. (Guardian)
Chelsea ayaa xiisaynaysa in ay ku badasho tababarihii hore ee Graham Potter oo u dhashay dalka Talyaaniga Roberto de Zerbi oo 43 jir ah oo xilka kala wareegay Potter ee Brighton ka dib markii uu 47 jir Ingiriis ah ku biiray Chelsea bishii September ee la soo dhaafay. (Football Insider)
Manchester City ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Croatia Mateo Kovacic xagaagan, markaasoo 28 sanno jirkaan uu hal sano uga harsan yahay qandaraaskiisa Chelsea. (Telegraph – subscription required)
Daafaca bidix ee kooxda Chelsea Ben Chilwell, 26, waa bartilmaameed kale oo Manchester City ah xilli ciyaareedka soo socda. (football Insider)
Weeraryahanka reer Brazil ee kooxda Athletico Paranaense Vitor Roque ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu ku biiro Barcelona, inkastoo 18-sano jirkaan uu bartilmaameed u yahay Arsenal. (Sport, via Express)
Borussia Dortmund iyo Naby Keita naadigii hore ee RB Leipzig ayaa xiiseynaya saxiixa 28 jirka qadka dhexe ee Guinea, marka uu qandaraaskiisa Liverpool dhaco xagaagan. (Bild – in Germeny)
Napoli ayaa qorshaynaysa in ay iska dhaafto xiisaha ay u qabto xiddiga garabka uga ciyaara Georgia ee Khvicha Kvaratskhelia iyada oo laba jibaaraysa mushaharka 22 jirkan isla markaana u kordhisay qandaraaskiisa ilaa 2028. (Gazzetta dello Sport – in Italian).
Atletico Madrid ayaa sidoo kale wadahadalo kula jirta saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara xulka qaranka Spain ee Adama Traore, oo 27 jir ah, marka uu qandaraaskiisa haatan ku dhamaado kooxda Wolves xagaagan. (90 min)
Wolves ayaa daba socota horumarka xiddiga khadka dhexe ee Brazil Vinicius Souza, oo 23 jir ah, kaasoo amaah ugu jooga Espanyol kooxda Belgian Lommel SK. (Mundo Deportivo – in Spanish)
Alexis Mac Allister aabihiis iyo wakiilkiisa ayaa marti koox u ahaa ciyaartii ugu dambeysay ee Liverpool iyadoo Reds ay isha ku hayso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brighton ee Argentina, 24, iyo sidoo kale weeraryahanka Chelsea ee England Mason Mount, 24, iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Borussia Dortmund ee England Jude Bellingham, 19.(Football Transfers)
Real Madrid bartilmaameedyada ugu weyn xagaagan waa Bellingham iyo RB Leipzig daafaca Croatia Josko Gvardiol, 21. (Sport – in Spanish).
N’Golo Kante waxa uu haystay dookhyo uu beeca xorta ah kaga tagi karo Chelsea xagaagan laakiin 31 jirka khadka dhexe ee reer France ayaa doonaya in uu sii joogo Stamford Bridge waxana uu ku dhaw yahay in uu heshiis cusub ka saxiixo. (Fabrizio Romano)
Daafaca bidix ee Scotland Kieran Tierney ayaa u furan inuu u dhaqaaqo Newcastle xagaagan hadii Arsenal ay sii wado inay sii haysato 25 jirkaan. (Chronicle)
Tababaraha Everton Sean Dyche ayaa u furan inuu qandaraaska u kordhiyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Mali Abdoulaye Doucoure 12 bilood oo kale xagaaga hadii 30 jirkaan uu sii wato qaab ciyaareedkiisa. (Mail)
Aston Villa iyo Nottingham Forest ayaa isha ku haya daafaca Hull City Jacob Greaves, iyadoo Brentford ay sidoo kale xiiseyneyso 22 jirka reer England. (Mail)
Daafaca reer Scotland Max Johnston ayaa diyaar u ah inuu ka tago Motherwell si xor ah dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo Sheffield United iyo Bologna ay xiiseynayaan saxiixa 19 jirkaan. (Nicolo Schira)
Hull City ayaa ku dhow inay heshiis amaah ah kula soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Ingariiska Xavier Simons, oo 20 jir ah, isagoo heshiis joogto ah kagala wareegaya Chelsea. (Fabrizio Romano)
Weeraryahankii hore ee Chelsea iyo Manchester United Radamel Falcao ayaa qandaraas kula jira Rayo Vallecano ilaa June, laakiin Colombian-ka, oo 37 jir ah, ayaa ka fiirsanaya dalab uga yimid kooxda heysata horyaalka Malaysia Johor Darul Ta’zim. (Marca – in Spanish)
Indha-indheeyihii Tottenham Jeff Vetere ayaa ka tagay kooxda ka dib markii uu shaaca ka qaaday bartilmaameedyada suuqa kala iibsiga, oo uu ku jiro goolhayaha 22 jirka ah ee Nacional ee Colombia Kevin Mier, mar uu wareysi siinayay TV Colombian ah. (Mail)
Chelsea ayaa ka fiirsaneysa inay xagaaga u dhaqaaqdo 28-jirka Fulham 28 jirka weerarka uga ciyaara Serbia Aleksandar Mitrovic. (Todofichajes – in Spanish)





0 Comments