Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

HORDHAC: Liverpool v Wolves –ee hotyaalka Premier League, Wararka Labada Koox iyo Shaxda Macquulka ah

Liverpool ayaa caawa gegida Anfield ku qaabilaysa kooxda uu hormoodka u yahay tababare Julien Lopetegui ee Wolves oo sanadkan 2023 saddex kulan oo ay soo wada ciyaareen min hal guul iyo barbardhac ay kala haystaan.
Wolves ayaa kulankii hore ee horyaalka ee ka dhacay Molineux Stadium 3-0 kusoo dardaray Reds waana waxa ay caawa kooxda tababare Jurgen Klopp doonayso inay ka aargudato.

Liverpool ayaa sidoo kale doonaysa inay wadada guulaha kusoo laabato kaddib guuldarro iyo barbardhac is xigay oo Champions League iyo horyaalka kasoo gaadhay Real Madrid iyo Crystal Palace.

Wararka Labada Kooxood

Liverpool waxa ka maqnaan doona Luis Diaz, Thiago Alcantara, iyo Calvin Ramsay balse waxa usoo kabtay daafaca dhexe ee Ibrahima Konate oo xataa shaxda asaasiga ah soo gali kara.

Sidoo kale Darwin Nunez oo seegay kulankii Crystal Palace ayaa diyaar u ah ciyaartan lana filayaa inuu Klopp soo qadimo isagoo weerarka kala ciyaari kara Jota iyo Salah.

Da’yarka Elliot ayaa fursad heli kara ciyaartan isagoo khadka dhexe kala bixi kara kabtan Jordan Henderson oo ay macquul tahay inuu ka garab ciyaaro Fabinho iyo Bajcetic.

Dhinaca kooxda martida ah waxay dhaawacyo ku waayaysaa xiddigaha kala ah Matheus Cunha, Chiquinho, Hwang Hee-Chan, iyo Sasa Kalajdzic.

Shaxaha Macquulka Ah

Liverpool (4-3-3)Alisson; Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Robertson; Elliott, Fabinho, Bajcetic; Nunez, Jota, Salah

Wolves  (4-2-3-1)Sa; Semedo, Dawson, Kilman, Ait-Nouri; Lemina, Neves; Traore, Sarabia, Neto; Jimenez

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Anfield

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Paul Tierney

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement