Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Maraykanka oo iska fogeeyay arrin muran dhaliyay oo ka taagan Kenya ee ku aadan LGBTQ

Dowladda Maraykanka ayaa iska fogeysay eedeymaha ah in ay kor u qaadeyso qorshaha lagu doonaya in xuquuq loogu raadiyo dadka isku jinsiga ee wax iska daya ee loo yaqaano LGBTQ .
Ka dib markii dowladda Maraykanka ay toddobaadkii hore sheegtay in iyadoo adeegsanaysa hay’adda u qaabilsan horumarka caalamiga ee (USAID) ay Kenya siin doonto deeq lacageed oo dhan 16 bilyan oo shilin, ayay deeqdani tilmaantay inay ku saleysan tahay arrimaha taagan gaar ahaan abaarta.
Safiirka Maraykanka ee Kenya Ambasadoor Meg Whitman oo la hadashay warbaahinta ayaa meesha ka saartay xiriir kasta oo ka dhexeya deeqaha gurmadka abaaraha iyo go’aankii muranka dhaliyay ee maxkamadda sare ee dalka toddobaadkii hore ku sheegtay in dadka isku jinsiga ee wax iska daya iyo labeebka ay xaq u leeyihiin inay sameystaan ururro matala oo xuquuqdooda u dooda..
Whitman ayaa ku adkeysatay in mowqifka Maraykanka ee xuquuqda dadka isku jiinsiga ah ay wax iska daya ay is guursan karaan uu ka duwan yahay aragtida Kenya.
Hasa ahaate, Maraykanka ayaa sheegay inuu ixtiraamaya sharciga Kenya oo sinaba saameyn ugu lahayn isbeddelka aragtida dadweynaha wadanka.

 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement