Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Ismaamullada oo lagu boorriyay inay sameyaan maalgashi dhanka tamarta ah

Wasiirka wasaaradda tamarta ee dalka Mr. Davis Chirchir ayaa dowlad deegaannada u soo jeediyay inay maalgeliyaan adeegyada tamarta.
Waxaa uu kula taliyay inay lacago u qoondeeyaan sidii ay uga qayb qaadan lahayeen xoojinta keydka qaran ee korontada.
Sidoo kale baarlamaanka ayuu ka codsaday inuu miisaaniyadda sanduuqa horumarinta deegaannada ee CDF uu ku kordhiyo dhaqaale loogu talagalay tamarta.
Wasiirka tamarta ee dalka ayaa sheegay in boqolkiiba 75 ee qoysaska kenyaanka ah ay isticmaalaan adeegga korontada.
Hadalkan ayuu ka sheegay magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru xilli uu soo xiray tababar socday afar cishe oo loo qabanayay xubnaha guddiga qaran ee qorsheynta tamarta .

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement