Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Ciidamada liyuu Boolis oo laga saaray Xaduudka Gobolka Bakool

Ciidamada liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa baneeyay Gabi-ahaanba Xuduudka Soomaaliya iyo degaanka Somaalida oo muddo dhowr sano ah ay ku sugnaayeen.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Ciidamada liyuu Boolis oo ku dhawaad Sidee sano ku sugnaa Xuduudka dowlad degaanka Soomaalida uu la wadaago Goboka Bakool, waxaana Ciidamada dib loogu celiyay gudaha dhulka dowlad  Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Milatariga Itoobiya oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadooda kala duwan ay la wareegeen Saldhigyadii ay ka baxeen Ciidamada liyuu Boolis ee ku yaalay Gobolka Bakool.

Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ayaa weli faah faahin ka bixin sababaha keenay in Ciidamadooda laga saaro xaduudka Gobolka bakool, halkaas oo dhowr jeer ay dagaal kula galeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada Millateriga Itoobiya ayaa saacadihii la soo dhaafay soo galay meelo kamid ah Soomaaliya, iyada oo la sheegay inay qeyb ka noqon doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhawaan ka billaabanaya guud ahaan dalka Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement