Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Xiddiga Muhiimka ah Ee lama Taabtaanka Ka Ah kana Tirsan Kooxda Barcelona Ee Aysan Lacag Kasta Ku Iibinayn

Iyadoo Barcelona wali xaalad dhaqaale oo adag ku dhibtoonayso ayaa la filayaa markale inay suuqa xagaaga u adeegsato il ay ka samayso dhaqaale iyadoo qaar kamida xiddigaheeda fasaxaysa.Maamulka La Liga ayaa sheegay inay Barca ku qasban tahay inay 200 Milyan oo euro dhinto mushaharka ay bixiso kahor xilli ciyaareedka dambe, iyagoo midaas maskaxda ku haya ayay durba bilaabeen qorshaha xagaaga.Sida uu sheegayo wargeyska Sport ee fadhigiisu yahay Barcelona, dhammaan xiddigaha Barca ayaa iib ah xagaaga marka laga reebo kaliya shanta ciyaartoy oo kala ah Pedri, Pablo Gavi, Robert Lewandowski, Jules Kounde iyo Ronald Araujo.

Dhammaan shantaas xiddig ayaa la sheegay inaysan Barcelona qiimo kasta ku iibinayn oo ay lama taabtaan ka yihiin.Shantaas xiddig ayaa muhiim u ah Barca haatan iyo mustaqbalkaba balse magacyo layaab ay noqotay in laga waayay ayaa laga xusi karaa goolhaye Marc Andre Ter Stegen, Alejandro Balde iyo Frankie De Jong oo dhammaantood haatan muhiim u ah macalin Xavi Hernandez.

Xiddig kale oo mustaqbalka Barca mar loo arkayay balse aan haatan muhiimad badan lahayn ayaa ah garabka weerar ee Ansumane Fati oo lala xidhiidhinayo kooxo Premier League ah.Fati oo isagu shaqsiyan dhawaan hadlay ayaa sheegay in heshiiskiisa kooxdu ilaa 2027 yahay isla markaana doonayo inuu sanado badan sii joogo Camp Nou.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement