Mid ka mid ah ciyaartoyda ku dhibaatoonaya Camp Nou ee boos la’aantu ku dhacday waa da’yarka xulka Spain ee Ansu Fati oo ay da’diisu tahay 20 jir, hse yeeshee afar sannadood ka hor jabiyey darbiga kooxda koowaad oo uu noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee gool u dhaliya.
Laacibkan ayaa kulamo tiro-yar dheelay xilli-ciyaareedkan, waxaana uu booska cidhiidhsan kari waayey Robert Lewandowski oo weerarka dhexe loo daayey, halka garbahana ay Ousmane Dembele iyo Raphinha ay ka haystaan, waxaanay taasi keentay inuu ka fiirsado mustaqbalkiisa.
Sida ay warbaahinta waddanka Spain sheegtay, Ansu Fati ayaa waxa uu doonayaa inuu iskaga tago Barcelona, sidoo kalena kooxdiisa ay dhibaatada dhaqaale haysato ayaan ku dhegi doonin haddii ay ku hesho lacag fiican.
0 Comments