Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Waxaynu u baahanahayn in aynu culays badan saarno” Mikel Arteta oo farriin u diray ciyaartoydiisa kaddib guul-darradii xanuunka badnayd ee ay shalay

Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa farriin u diray ciyaartoydiisa kaddib guul-darradii xanuunka badnayd ee ay shalay kala kulmeen Everton oo ku garaacday 1-0. Gool madi ah oo uu Tarkowski madax ugu dhaliyey ayaa ugu filnaaday Everton in Arsenal loo diiwaangeliyo guul-darradii labaad ee xilli ciyaareedka ee horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa 20 kulan oo ay dheeshay waxa kaliya laga badiyey laba jeer, waxaanay wali hoggaaminayaan horyaalkaa Premier League inkasta oo ay luminayaan farqigii shanta dhibcood ahaa oo kaliya laba dhibcood uu kusoo koobmi doono haddii ay Man City ka badiso Tottenham fiidka caawa.

Tababare Mikel Arteta ayaa ciyaartoydiisa la hadlay kaddib guul-darradii, waxaana uu sharraxay sababtii keentay guul-darradooda, waxaanu yidhi: “Waxa aanu in badan haaysanay kubadda, laakiin waxa naga lumay qorshihii iyo tayadii ay baaska qaybta saddexaad ku samaynaynay. Fursado badan ayaanu abuurnay laakiin ma aanaan dhalin.

“Kaddib gool ayay naga dhaliyeen, ciyaartana way noo dejiyeen, taasina waxay keentay in aanu dhibaatoono. Koox walba sidan ayay ku sameeyaan waana waxa ay ku xooggan yihiin oo ah dhererka iyo awooddooda jidhee, laakiin haddii aad ciyaarta maamulayso, waa in aad dhaliso, innaguna maanta ma aanaan samaynin sidaas.

“Waxaynu u baahanahayn in aynu culays badan saarno, waxaynu u baahnayn inaynu si fiican u maamulno shucuurteena iyo dareenkeena.”

Arsenal oo Sabtida toddobaadka dambe martigelin doonta Brentford, ayaa waxa uu Arteta u sheegay ciyaartoydiisa in ay dib usoo celiyaan dareenkooda guusha, isaga oo dhinaca kalena ku qanciyey inay u qalmayeen inay guuleystaan kulankii Everton balse dhamaystirkooda oo kali ahi liitay.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement