Goobjoogayaal ku sugan degaanka la weeraray ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacay Xerada Ciidamada Jubbaland & agagaarkeeda, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay
Afhayeenka Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in weerarka madaaficda ah aysan ka dhalan wax khasaaro ah, balse ay ku dhaceen qaarkood guryo ay deganaayeen dad rayid ah.
Wararka Risaala ay ka heleyso degmada Afmadow ayaa waxaa ay sheegayaan in duleedka degmadaas ay howlgallo ka wadaan Ciidamada daraawiishta jubbaland, iyaga oo baadi goobaya raggii weerarka hoobiyeyaasha ah kusoo qaaday.
0 Comments