Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Dhul-gariir mar kale ka dhacay dalka Turkiga

Waxa uu Dhul-gariir kale oo  Halbeegiisu ahaa 5.0 Richter Scale ka dhacay Gobalka Hatay ee dalka Turkiga, waxaana dhul-gariirka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Hay’adda Turkiga ugu qaabilsan Masiibooyinka iyo Maaraynta Gurmadka (AFAD) ayaa sheegtay inuu xuddunta Dhul-gariirka ahaa Degmadda Defne ee dalkaasi.Guddoomiyaha Gobalka Hatay,  Rahmi DoÄŸan ayaa sheegay in dhowr Dhismo oo horey burbur uga soo gaaray Dhul-gariirkii hore inay ku hoobteen Dhul-gariirka caawa dhacay.

Rahmi DoÄŸan waxa uu xusay inaysan jirin wax dhaawacyo ama dad ku xanibmay burburka Dhismayaasha,  iyadoo inta badan dadka laga daad-gureeyey Deegaanka.

Talaadadii la soo dhaafay,  6 qof ayaa ku geeriyootay, kadib, markii ay 2 Dhul-gariir oo  Halbeegeedu kala ahaa 6.4 iyo 5.8 Richter Scale ka dhaceen Degmooyinka Defne iyo SamandaÄŸ ee Gobalka Hatay ee dalkaasi.

Bishan February 6-dii,  Dhul-gariir ka dhacay 11 Gobal oo ka ku yaalla Koonfurta dalkaasi ayaa waxa ku dhintay in ka badan 43,500 oo qof  sida ay baahisay Hay’adda Turkiye ugu qaabilsan Masiibooyinka iyo Maaraynta Gurmadka ee AFAD.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement