Arsenal ayaa hogaanka u haysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee England Declan Rice, oo 24 jir ah, kana soo jeeda West Ham iyada oo wakiiladiisa ay xiriirManchester United ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada u imaanaya ciyaaryahanka khadka dhexe ee Scotland Scott McTominay, waxaana ay aaminsan yihiin inay 25 milyan ginni ku heli karaan 26 jirkaan. (Football Insider)
Weeraryahanka reer Spain Ansu Fati, oo 20 jir ah, ayaa lala xiriiriyay Manchester United, laakiin wuxuu sheegay inuu Barcelona kula jiro heshiis dhacaya 2027, uuna rajeynayo inuu sii joogo kooxda La Liga “sanado badan oo kale”. (Goal) joogto ah la sameeyeen Gunners. (Football Insider)Manchester United ayaa heshiis mabda’a ah la gaartay 18 jirka reer Argentina Alejandro Garnacho kaasoo qandaraas cusub oo shan sano ah qalinka ku duugay. (ESPN)
Manchester United ayaa kalsooni ku qabta in daafaca midig ee Portugal Diogo Dalot, oo 23 jir ah, uu qandaraas cusub u saxiixi doono kooxda. (Football Insider )
Tababaraha West Ham David Moyes ayaa qarka u saaran in la ceyriyo haddii kooxdiisa oo ku jirta aagga heerka labaad ee Premier League ay guuldarro ka soo gaarto gurigeeda Nottingham Forest Sabtida. (Times – subscription required)
Rafael Benitez ayaa xiiseynaya inuu Moyes ka bedelo tababaraha West Ham. (Mail)
Leeds United ayaa wada hadalo kula jirta tababarihii hore ee Watford Javi Gracia kaas oo ku saabsan xilka tababarenimo ee ka banaan kooxda, iyadoo tababaraha reer Spain uu qeyb ka yahay labo ciyaaryahan oo u sharaxan. (Guardian)
Leeds ayaa xiisaynaysa 18 jirka weerarka uga ciyaara Barcelona ee Ilias Akhomach. (ESPN)
Milkiilaha Tottenham Joe Lewis iyo gudoomiyaha Daniel Levy ayaan hubin inay dhageysanayaan dalabyada kooxda oo dhan, inay iibinayaan saami laga tirada badan yahay ama inay sii ahaanayaan maamulka kooxda. (Evening Standard)
Aabaha dhalay 18-jirka khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ee Stefan Bajcetic ayaa sheegay in Reds aysan wiilkiisa kala soo wareegin akadeemiyada Celta Vigo ilaa ay ka ogaadaan in kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester United ay sare u qaaday xiisahooda. (El Mundo, via Sport Witness)
Arsenal, Chelsea iyo Manchester United ayaa dhamaantood xiiseynaya 25 jirka reer France ee Marcus Thuram, kaasoo noqon doona wakiil xor ah xagaagan ka dib markii uu diiday inuu heshiis cusub u saxiixo Borussia Monchengladbach. (Talksport)
Chelsea ayaa wadahadalo kula jirta sidii ay amaah ugu diri lahayd weeraryahanka reer Brazil Andrey Santos kooxda Palmeiras ka dib markii 18-sano jirkaan loo diiday ogolaanshaha shaqada. (Evening Standard)
0 Comments