Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa weydiistay kooxda inay la soo saxiixdaan 24 jirka khadka dhexe ee reer Spain Martin Zubimendi oo ka tirsan Real Sociedad. (Sport – in Spanish) Arsenal iyo Manchester United ayaa xiiseynaya 26 jirka daafaca midig ee Holland Denzel Dumfries, kaasoo Inter Milan laga yaabo inay diyaar u tahay inay iibiso xagaaga. (Fichajes – in Spanish)
Tababaraha Barcelona Xavi ayaa sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Netherlands Frenkie de Jong, oo 25 jir ah, uusan dooneynin inuu ku biiro Manchester United xagaagii hore. (Sun)
Barca ayaa heshiis la gaartay LA Galaxy si ay ula soo saxiixato 21 jirka daafaca midig ee Mexico Julian Araujo ilaa June 2026. (Fabrizio Romano). Araujo ayaa imaan doona magaalada Barcelona Khamiista si uu u bilaabo tababarka kooxda reer Spain. (ESPN)
Bayern Munich ayaa sameysay falanqeyn gudaha ah oo lagu aqoonsaday 29-sano jirka weerarka uga ciyaara England Harry Kane, kaasoo qandaraaskiisa Tottenham uu dhacayo xagaaga 2024, inuu yahay weeraryahanka ugu fiican ee kooxda Jarmalka ay la saxiixato. (Bild – in Germany)
Tottenham ayaa xiiso u qabta 21 jirka daafaca uga ciyaara Ecuador ee Piero Hincapie kana tirsan kooxda Bayer Leverkusen. (Cought Offside)
Aston Villa ayaa laga yaabaa inay dhageysato dalabyada u imaanaya goolhayaha Argentina Emiliano Martinez, oo 30 jir ah, si ay gacan uga geysato maalgelinta dib u dhiska kooxda ee xagaaga. (Mail)
Daafaca Portugal ee Joao Cancelo, oo 28 jir ah, ayaa sheegay in wararka xanta ah ee sheegaya in ay isku dheceen tababaraha Manchester City Pep Guardiola ka hor inta uusan amaah ugu biirin Bayern Munich ay tahay “been dhameystiran”. (Mundo Deportivo, via Mirror)
Mauricio Pochettino ayaa laga yaabaa inuu kusoo laabto shaqada tababarenimo ee Tottenham islamarkaana uu bedelo Antonio Conte oo uu cadaadis saaran yahay. (TalkSPORT)
Chelsea, Liverpool, Manchester City, Manchester United iyo Newcastle ayaa dhamaantood xiriir la sameeyay kooxda Ecuador ee Independiente del Valle iyaga oo ka doonaya 15 jirka khadka dhexe ee Kendry Paez. (90 min)
0 Comments