Wararka aan helnay ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo la beegsaday dhul Beereed ay isku aruursaneyeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo kuyaalla agagaarka degaanka Inji oo hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.Sidoo kale diyaaradaha dagaalka ayaa waxaa ay duqeyn la beegsadeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab oo ku sugnaa duleedka deegaanka Afcad oo u dhaxeeya Degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay kula dagaalmayeen Ciidamada dowladda iyo kuwa di u xoreynta gobolka Hiiraan.
Sarakiil katirsan Ciidamada xooga dalka ayaa Risaala u sheegay in duqeynta lagu dilay dagaalyahano aad u faraadan oo katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo doonayay inay weeraro kusoo qaadaan Saldhigyada Ciidamada, isla maraana degaannada ay la wareegeen.
Wuxuu sheegay inay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga fulinayo degaannada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan, halkaas oo dhowr jeer ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab .
0 Comments