Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayay kooxihiisu sii wadaan inay tababareyaashooda eryaan xilli ciyaareedkan, iyadoo hadda la shaaciyey in mid ka mid ah naadiyada ku dhibaatoonaya Premier League ay tababarihii labaad eriday xilli ciyaareedkan.Kooxo badan ayaa lumiyey qaabkoodii oo dulqaad u yeelan waayey tababareyaashooda, kuwo kalena waxa saaran cadaadis la sheegayo in usbuucyada soo socda ay eryi doonaan tababareyaashooda haddii ay isbeddeli waayaan natiijooyinka aan fiicnayn ee ay ka keenayaan horyaalka Premier League.Chelsea oo lacag badan ku kharash garaysay suuqii January iyo midkii ka horreeyey ee xagagii oo wadarta lacagta ay isticmashay ay sare u dhaaftay 660 milyan oo Gini, ayaa sii wadata natiijooyinka niyad-jabka ah, waxaana aan cago adag ku taagnayn tababare Graham Potter oo bishii September xilka loo dhiibay.Sidoo kale, Liverpool ayaa uu waqtigu ku xun yahay oo fadhida kaalinta tobnaad ee miiska kala-sarraynta inkasta oo dhaawacyo tiro badan loo aanaynayo oo aanu Klopp ka baqayn in uu shaqadiisa lumiyo.
Iyadoo cadaadisku saaran yahay tababareyaasha labadan kooxood, waxa hadda lagu dhawaaqay in Southampton ay shaqada ka eriday tababaraheedii Nathan Jones oo kaliya 14 ciyaarood layliyey kooxdiisa, isla markaan natiijooyin aad u xun keenayay.
0 Comments