Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in Ciidamada ay dhowr jiho ka weerareen degaanka Qunbi oo ay isku aruursanayeen Al-Shabaab si ay weeraro u fuliyaan, balse ay ka hortageen, isla markaana howlgalka uu weli socdo.
Sidoo kale waxaa ay saraakiishu sheegeen in howlgalka lagu dilay Xubno badan oo katirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ujeedkoodu uu yahay sidii guud ahaan degaannada ay Gobolka Jubbada Hoose kaga sugan yihiin Al-Shabaab uga saari lahaayeen.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ka wadeen degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose, waxaana degaanka Qunbi ee lala wareegay gaaray Saraakiil uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga Jubbaland Janeraal Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal.
0 Comments