Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

WAR DEG DEG AH: Manchester City oo lagu helay dembi culus oo sababaya in laga jaro dhibco horyaalka Premier League ah,

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu helay dembi culus oo sababaya in laga jaro dhibco horyaalka Premier League ah, sidoo kalena la saaro ganaaxyo culus oo sababi doona in kooxda tababare Pep Guardiola ay lumiso kaalmaha sare ee ay ku jirto iyo sharafta ay leedahay kooxdu intaba.Manchester City ayaa lagu helay inay jabisay sharciga dhaqaale-wanaagga in ka badan 100 jeer sagaalkii sannadood ee ugu dambeeyey, waxaana hadda ay maamulka horyaalka Premier League go’aan ka gaadhayaan tirada dhibcaha laga jarayoWaxa kale oo ay UEFA ka fadhiisan doontaa tallaabooyin ciqaab ah oo adag oo laga qaadi doono Manchester City oo la saxeexatay ciyaartooyo aanu sharcigu u ogolayn, sidoo kalena been abuur ka samaysay heshiisyada tababareyaasha iyo ciyaartoygeeda.Baadhitaano uu sameeyey horyaalka Premier League ayaa waxay soo saareen khiyaanooyin ay ku kacday Manchester City oo in ka badan 100 mar jabisay sharciga dhaqaalaha, intii u dhaxaysay September 2009 illaa 2018.

War-saxaafadeed uu soo saaray Premier League ayaa lagu sheegay, in sagaal sannadood gudahood ay Manchester City ahayd koox sida ay doonto ka yeesha sharciyada kubadda cagta, isla markaana jabisa iyada oo been-abuur iyo maalgelin lacageed isticmaalaysa.Manchester City ayaan wali ka hadal warkan oo soo baxay saaka, laakiin waxa uu Premier League shaaciyey inuu guddi madax-bannaan oo daba-gal dheeraad ah samaysa u saaray arrinta, taas oo natiijadoodu ay noqon doonto midda kama dambaysta ah ee lagu go’aaminayo ciqaabta lagu soo rogayo Etihad Stadium.

Go’aamada miiska saaran ee ganaaxyada ah ee lagu soo rogayo Manchester City ayaa waxa ka mid ah dhibco laga jaro, iyo ciqaabo lacageed oo adag, halka  masuuliyiinta naadiga qaarkoodna laga mamnuuci karo inay wax shaqo ah oo la xidhiidha ciyaaraha qabtaan.

Muddada la sheegay in Manchester City ay arrintan ku kacaysay ayaa waxay ku guuleysatay saddex horyaal oo Premier League ah, FA Cup iyo saddex Carabao Cup, hase yeeshee lama sheegin in laga  qaadi doono koobabkaas iyo in kale.


Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement