Labada kooxood ee isku eryana horyaalka Premier League ee Manchester City iyo Arsenal ayaa guul-darraystay toddobaadkan, waxaana min hal gool oo madi ah kaga badiyey Tottenham iyo Everton, sida ay u kala horreeyaan.Arsenal ay waxa Axaddii soo garaacday Everton oo khadka cas kaga soo baxday, sidoo kalena Axddii ayay Tottenham saddexda dhibcood ka qaadatay Manchester City kulan uu ka maqnaa tababarahooda Antonio Conte oo qalliin lagu sameeyey.Natiijadan ayaa waxay hiil u noqotay Arsenal oo sii haysata farqigeeda shanta dhibcood ee ay ku hoggaaminayso horyaalka Premier League oo ay ugu dambaysay sannadkii 2004 in ay ku guuleysato, waxaanay waliba arrintani imanaysaa iyadoo hal ciyaar baaqi u tahay Gunners.Natiijadan ayaa waxay hiil u noqotay Arsenal oo sii haysata farqigeeda shanta dhibcood ee ay ku hoggaaminayso horyaalka Premier League oo ay ugu dambaysay sannadkii 2004 in ay ku guuleysato, waxaanay waliba arrintani imanaysaa iyadoo hal ciyaar baaqi u tahay Gunners.“Fikraddan ah inay samayn doonaan sidii ay ku sameeyeen Liverpool dhawr jeer oo ay horyaalka uga qaadeen, anigu ma hubo in y sidaasi dhacay. Waxay ila tahay in Manchester City ka duwan tahay sidii hore. Arsenal ayaa ku guuleysanaysa horyaalka.”
0 Comments