Kabtanka kooxda kubadda cagta Chelsea ee Cesar Azpilicueta ayaa laga soo saaray cusbitaal la dhigay maalintii Sabtidii oo uu dhaawac jabiin ahi ka gaadhay feedahaha, intii ay socotay ciyaartii ay Southampton 1-0 ku garaacday kooxdiisa.Kabtanka kooxda kubadda cagta Chelsea ee Cesar Azpilicueta ayaa laga soo saaray cusbitaal la dhigay maalintii Sabtidii oo uu dhaawac jabiin ahi ka gaadhay feedahaha, intii ay socotay ciyaartii ay Southampton 1-0 ku garaacday kooxdiisa.33 jirkan ayaa waxa feedhaha laad kaga dhuftay Sekou Mara oo isku dayayey inuu kubbad fooli ku qabto, taas oo uu Cesar Azpilicueta isagauna madaxa la galay.Dhakhaatiirta ayaa gargaar degdeg ah ugu fidisay garoonka Stamford Bridge dhaxdiisa iyadoo ciyaartuna u taagnayd muddo siddeed daqiiqadood ah, waxaana lagu xidhay qalabka neefsiga ka caawiya ka hor intii aan loola cararin cusbitaalka
Chelsea ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay, in uu Cesar Azpilicueta kasoo baxay cusbitaalka oo uu dib ugu soo laabtay naadiga oo uu ciyaartoyda kooxdiisa kula kulmay groonka tababarka ee Cobham, isla markaana uu indho-indhaynayay sida ciyaartoyda kooxdiisu isku diyaarinayaan.
0 Comments