Kooxaha samatabixinta ayaa ku shaqeynaya qabow daran iyo roob mahiigaan ah xilli ay iskudayayaan inay soo badbaadiyaan dad loo malaynayo inay ku hoos jiraan burburka ka dhashay dhulgariir xooggan oo ku dhuftay koonfur bari waddanka Turkiga.
In ka badan 4,300 oo qof ayaa ku dhintay dhulgariirka halka in 15,000 oo qof oo kalana ay ku dhaawacmeen Turkiga iyo xadka Suuriya, kaddib markii dhulgariirku uu ku dhuftay arooryadii hore ee Isniinta.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digtay in tirada dadka ku dhintay musiibadaasi ay aad u sii kordhi karto maadaama kooxaha gurmadka degdega ay suuragal tahay inay soo helaan dad kale.
Kooxaha samatabixinta ayaa dardargelinaya baadigoobka ay ugu jiraan inay soo helaan dad ka badbaaday dhibaatada halkaas ka dhacday.Dad badan oo ku nool deegaannada ay musiibada ka dhacday ayaa aad uga cabsi qaba inay guryahooda dib ugu laabtaan.
Dhulgariirkan oo cabbirkiisa lagu qiyaasay 7.8 ayaa 4:17 oo subaxnimadii Isniinta ka dhacay meel u dhaw magaalada Gaziantep iyadoo hoosna uu dhulgariirku u galay 17.9km, sida ay sheegtay hay’adda Mareykanka u qaabilsan cilmiga dhulka.
Gudaha waddanka Turkiga illaa hadda waxaa lagu diiwaangeliyay dhimashada ugu yaraan 2,921 qof. Dadka dhurgariirka ka badbaadayna waxay sheegayaan in dhaqaaqa dhulka uu socday laba daqiiqadood.
Kooxo kooban oo samatbixiyayaal ah ayaa gaaray koonfurta Turkiga, qofkastana waxa uu iskudayayaa inuu si degdeg ah halkaas ku gaaro si uu u qiimeeyo inta ay la egtahay baaxadda dhibaatada iyo inuu gacan ka gaystaba.
Koox halkaasi ku socotay oo qalab gaar sidatay ayaa BBCda u sheegtay inay danaynayaan inay halkaas tagaan oo ay durbaba howl galaan oo ay baadigoobaan dad ka badbaaday musiibada, balse aanay garanayn heerka ay dhibaatadu gaarsiisan tahay.
Xilli weli dhulka uu gariirayo ayey kooxaha samatabixinta deegaannada qaar burburka ku qodayaan gacmahooda iyagoo raadinaya qof badbaaday oo halkaas ku hoos jira.
Hogaamiyayaasha caalamka ayaa ballan qaaday inay si degdeg ah ay kooxaha samatabixinta ay qalabba u gayn doonaan waddanka Turkiga, balse dhulgariirka ayaa burbur lixaad leh u gaystay saddex garoon oo ay diyaaradaha ka duulaan oo Turkiga ku yaal, taas oo culays ku keenaysa sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa dadka u baahan.
Gargaarka la siin karo waddanka Suuriya ayaa xaddidan maadaama dalkaas ay cunaqabatayn saaran tahay, hasayeeshee qaar kamid ah xulafada Suuriya oo ay Iiraan ku jirto ayaa dalkaas gargaar u diray.
Ugu yaraan 1,400 oo qof ayaa la ogyahay inay ku dhinteen gudaha waddanka Suuriya halkaas oo malaayiin qof ay ku nool yihiin xeryo qaxooti oo ku dhaw xadka Turkiga.
Kaddib markii uu caalamka ka codsaday inay gurmad la soo gaaraan ayaa madaxweynaha waddanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxa uu sheegay in 45 dal ay gargaar u ballanqaadeen.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku baaqay in caalamku uu gurmad gaarsiiyo Turkiga, isagoo sheegay in inta badan qoysaska ay musiibadu ku habsatay ay “aad ugu baahanyihiin gargaar bini’aadamnimo, iyadoo deegaannada ay ku sugan yihiin ay adag tahay in la gaaro”.
Midowga Yurub ayaa Turkiga u diraya kooxaha samatabixinta iyo kuwa wax baadigooba, halka kooxo ka socda Netherlands iyo Romania ay dalkaasi ku sii wajahanyihiin. UK ayaa sheegtay inay dirayso 76 khubaro ah, qalab iyo ey-yada wax badbaadsha.
Faransiiska, Jarmalka, Israa’iil iyo Mareykanka ayaa sidoo kale gargaar ballanqaaday. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa gargaar u fidiyay Turkiga iyo Suuriya, sida ay Iiraanba samaysay.
0 Comments