Waxaa xalay xilli dambe dalka Turkiga ku dhuftay dhul gariir xoog badan oo galaaftay nolosha dad badan iyo hantiba. Dhul gariir labaad ayaa dhacay maanta iyadoo weli ay soo baxeyso faahfaahinta ku saabsan khasaaraha.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Turkiga, Suleyman Soylu ayaa sheegay in 10 magaalo oo ku yaalla dalka Turkiga uu saameeyay dhulgariirku.
Waxa uu wasiirku sheegay in kooxaha baadigoobka iyo samatabixinta ee dalka la galiyey “heegan”.Tirada dadka ku dhintay dhul gariirka Turkiga ka dhacay ayaa marba marka ka danbeysa isa soo tareysa, iyadoo haatan lagu qiyaasay in ka badan kun qof. Dad badan oo kale ayaa ku xannibmay dhismeyaasha ay ku jireen, maadaama xilliga uu dhul gariirku dhacay ay hurdayeen.
Arday Soomaali ah oo ka warramay sida uu u sameeyay dhul gariirka
Magaalada Gaziantep oo ah halka uu ka bilowday dhul gariirkani ka hor inta uusan ku fidan magaalooyin kale ee Turkiga waxaa ku sugan arday Soomaali ah oo ka mid ahaa dadkii hurdada uga toosay.
Cabdiraxiim Axmednuur Giindhe oo arday ka ah jaamacadda Gaziantep ayaa u warramay BBC-da isagoo sheegay in ardayda Soomaalida Turkiga uu dhul gariirku ku cusbaa halka muwaadiniinta Turkiga ah ee magaaladiisa ku sugan ay horay u arkeen dhul gariir sidaas darteedna ay diyaar garow fiican haysteen halka Soomaalida uu ku ahaa maqal iyo wax ay daawadeen oo kali ah.
“Saaka salaaddii subax ka hor toban saac iyo afartan daqiiqo ayaa waxaan dareennay dhul gariir, marka annaga haddaan nahay ardayda Soomaalida dhul gariirku wuxuu kaliya nagu ahaa maqal iyo wax aan telefishin ka dawaanno, saaka waxay ahayd markii ugu horeysay oo aan aragno, laakiin dadka waddankan waxay ahaayeen dad ka war qabay dhul gariirka,” ayuu yiri Cabdraxiim.
Inkasta oo sida Cabdiraxiim uu sheegay ay bishii December ee sannadkii la soo dhaafay dawladdu samaysay barnaamij taleefanka ku xiran oo usii digaya dadka marka uu dhul gariirku billaabanayo haddana xilliga uu dhacay ayaa ahayd waqti la hurdo, sidaas awgeedna arayda qaar ay ku saseen.
Waxa uu sheegay in uu maqlay in aradayda qaar ee u dhashay Turkiga "ay dabaqayada iskasoo tuureen".
0 Comments