Iyadoo ay sidaas tahay ayaa la sheegay in mulkiilaha Blues ee Todd Boehly uu raadinayo qorshe labaad iyo tababare uu ku ciiro haddii uu caydhiyo ninka English-ka ah.Sida uu sheegay il-wareedka 90mn, Chelsea ayaa xiiso u muujisay tababarihii hore ee PSG iyo Tottenham ee Mauricio Pochettino balse diiday.
Pochettino ayaan wax shaqo ah haynin tan iyo markii Paris laga caydhiyay dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore, Real Madrid ayaa lala xidhiidhinayaa.Chelsea ayaa marka laga yimaado inay booska tobnaad ka joogto kala sarreynta Premier League sidoo kale halis ugu jirta inay wareega 16-ka Champions League kaga hadho sababta Borussia Dortmund oo lugtii hore 1-0 kaga soo adkaatay.
0 Comments