Lucile Randon waxay ahayd qofka ugu da'da weynaa aduunka (ee la diiwaan galiyo) markii ay dhimatay bishii Janaayo ee sannadkan iyadoo 118 sano jir ah.
Waxaa loo yaqaannaa ‘Sister André’, haweenaydan Faransiiska ah waxay goob joog u ahayd labadii dagaal ee adduunka, fuulistii aadanaha ee dayaxa, iyo xilligan casriga ah ee teknoloojiyadda.
Sheekadeeda ayaa ah mid cajiib ah, marka la eego in celceliska cimriga adduunka uu yahay 73.1 oo sano.
Hase haatee malin walba oo inna dhaafta cimri dheerarka ayaa kor usii kacaya iyada oo da’da cimriga ee dadka la filayo in celcelis ahaan uu dhaafo 77 sano badhtamaha qarnigan aan ku jirno, sida ay saadalisay Qarama Midoobey.Sida cimri dheerarka uu kor ugu kacayo si la mid ah waxaa hoos u dhacaya dhalashada caruurta, taas oo inaga dhigaysa bulsho gabow ah.
Waxaa hadda qudheeda adduunka ku nool dadka 65 sano jirka ka sareeya oo ka badan kuwa shan sano jirka ka hooseeya, inkasta oo ay xaaladdu u kala duwan tahay waddamada.
Halka dalka Monaco celeliska cimrigiisu uu yahay 87 sano, waddanka Jaad oo ah dal sabool ah oo ku yaal bartamaha Afrika ayuu celceliska cimriga dadkiisu si dirqi ah ku gaarayaa 53 sano.
Monaco oo ah dalka dadkiisu ugu cimriga dheeryahay waxaa soo raaca Magaalada Shiinaha ee maamulka gaarka ah leh – Hong Kong iyo Macao, kaalinta afraadna waxaa ku jira Japan oo ah waddanka ugu cimriga dheer marka la eego dalalka quwadda leh ee caalamka.
Inta soo hadhay liiska waxaa buuxiyey waddamada, Liechtenstein, Switzerland, Singapore, Talyaaniga, koonfurta Kuuriya iyo Spain, sida lagasoo xigtay warbixinta Qaramada Midoobey ee saadaasha da’da.
Ka sokow faafaha Covid19 oo nafta dhaafiyey dad badan qaar kalena halis galiyey, haddana celceliska da’da dadka ayaa sii kacaysa labadii qarni ee u dambeeyay, waxaana loo saadinayaa sameynta iyo hormarinta tallaallada, dawooyinka, nadaafadda, cuntada iyo xaaladda nololeed ee aadanaha.
”Go’aamada xeeladaysan”
Inkasta oo hidde-sidaha uu yahay mid ka mid ah qodobbada go'aamiya cimri dhererka, hadana da’da oo weynaata ayaa inta badan sidoo kale lala xiriiriyaa xaaladaha nololeed ee qofka, halka uu ku dhashay iyo go'aanadooda shakhsi ahaaneed.
Ma aha oo kaliya in la helo nidaam caafimaad oo wanaagsan iyo cunto wanaagsan, laakiin sidoo kale waxay khubaradu ku magacaabaan "go'aamo caqli-gal ah" marka la eego qaadashada cunto dheellitiran, seexashada hurdo fiican, xakamaynta heerarka walwalka ama sameynta jimicsi.
Waddamada kaalmaha hore kaga jira rajada cimri dheerarka nolosha waxay ka siman yihiin hal wax ay wadaagaan: dakhli heersare ah. Laakiin waxaa jira wax kale oo iyaga mideeya: waana baaxadda.
Patrick Gerland, oo madax ka ah Waaxda Qaramada Midoobay ee Qiyaasta Dadweynaha iyo Qaybta Saadaasha, ayaa ka digaya in ay jiraan waddamo liiska ku jira sida Monaco ama Liechtenstein, maadama ay baaxad ahaan yaryihiin, in aanay matalin ummado kala duwan.
Maxay ka simanyihiin dadkani
Wariye Dan Buettner ayaa isku dubba riday koox khubaraha si ay u raadiyeen una darsaan bulshooyinka cimri dheerarka lagu tuhmo.
Buettner iyo kooxdiisu waxay heleen habab caadi ah oo bulshooyinka la daraaseeyey kuwaas oo aragti ahaan sharxi kara sababta ay dadkaasi u leeyihiin cimri dheer iyo nolol tayo le oo ka wanaagsan inta kale ee adduunka. Waxaana ka mid ah kuwan:
- Waxay nolosha ka leeyihiin ujeedo: "ikigai", oo ah eray afka Japan-ka ah oo loo isticmaalo in lagu tilmaamo "sababta" ama sababaha aan subax kasta usoo kacno.
- Waxay dhisaan xidhiidhka qoyska.
- Waxay yareeyaan walbahaarka iyagoo kala gooyay hawlaha caadiga ah ee maalinlaha ah si ay u sameeyaan fursad ay ku qabtaan hawlaha kale ee qayb ka ah caadooyinka bulsheed ee caadiga ah.
- Cuntada ma badsadaan: waxay cunaan kaliya 80% awooddayada wakhti kasta qofku cuni karo.
- Waxay leeyihiin cunto dheeli tiran oo ay ku jiraan khudaar badan, digir, iyo miro.
- Waxay si yar u isticmaalaan ama iskaba dayaan khamriga.
- Waxay sameeyaan dhaqdhaqaaq jireed oo joogto ah iyada oo qayb ka ah hawl maalmeedka, sida socodka.
- Waxay leeyihiin dareen xoogan oo bulsho waxayna ka qaybqaataan wareegyada bulsheed ee kor u qaada dabeecadaha caafimaadka.
- Waxay qayb ka mid yihiin kooxaha leh iimaanka ama diinta
Waxaas oo dhan waxaa wehliya waxyaabo ay ka mid yihiin, jawi xasilloon, dabeecad wanaagsan, cunto caafimaad leh oo dhadhan fiican leh oo la heli karo, nolosha bulshada, ka fogaanshaha xarumaha waaweyn ee magaalooyinka.
Kali ha noqon
"Waxay u muuqdaan waddamo aan caadi ahayn. Ma aha kuwa ka kooban dadka sida ka dhacda qaybaha kale ee adduunka."
"Waxa ay wadaagaan waa nolol heersare ah, helitaan caafimaad iyo adeegyo waxbarasho oo wanaagsan, laakiin maaha doorasho aan toos ahayn," ayuu yidhi Gerland oo la hadlaya BBC Mundo.
Waxaa la arki karaa kala duwanaanshiyaha u dhexeeya dalalka iyo sidoo kale gudaha hal waddan. Marka ay jirto sinnaan la'aan badan, farqiga rajada nolosha ee u dhexeeya kooxaha bulshada ayaa kordha.
"Qaar badan oo ka mid ah wadamada Scandinavian-ka, tusaale ahaan, waa bulshooyin sinaan leh oo laga filayo nolol sare," ayuu raaciyay.
Marka laga soo tago xannibaadaha dhaqaalaha ama naqshaddaada hidde-sideyaasha, qaar ka mid ah furayaasha la helay dareenka yar, khubaradu waxay yiraahdeen, waa sida loola xiriiriyo dadka kale oo loo helo ujeedo nololeed.
Tani, oo laga yaabo inay u muuqato mid fudud, waa mid ka mid ah caqabadaha waaweyn ee kuwa xiiseynaya inay helaan nolol tayo wanaagsan leh muddo dheer.
Khabiirada sida Luigi Ferrucci, oo ah agaasimaha sayniska ee machadka qaranka ee gabowga, ayaa ku doodaya in dadka waaweyn ee caafimaadka qaba ay u muuqdaan inay jidh ahaan firfircoon yihiin, wakhti ku qaataan bannaanka oo ay xidhiidh adag la yeeshaan asxaabta iyo qoyska.
Meesha ay khubaradu ku heshiin waayeen ayaa ah inta ay le'eg tahay hidde-sideyaasha iyo qaab nololeedka qofka ee saameeya cimriga dheer.
Cilmi-baadhisyada qaarkood waxay soo jeedinayaan in hidde-sideyaashu ay qiyaastii 25% ka yihiin cimri dhererka, halka inta soo hadhay ay la xidhiidhaan arrimo ay ka mid yihiin halka uu qofku ku nool yahay, waxa uu cuno, inta jeer ee uu jimicsigu sameeyo, iyo habka taageerada ee saaxiibbada ama qoyska.
Si kastaba ha ahaatee, miisaanka bakhtiyaanasiibka hidaha ee nolosha dheer iyo caafimaadka weli waa arrin dood ka taagan bulshada sayniska.
0 Comments