Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Everton 1-0 Arsenal: oo guul-darro xanuun kulul kala soo kulantay Everton

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul-darro xanuun kulul kala soo kulantay Everton oo kusoo garaacday 1-0, kulan ay Gunners soo bandhigtay ciyaarteedii ugu liidatay xilli ciyaareedkan, waxaanay iska lumiyeen fursad ay siddeed dhibcood ku qaban lahaayeen hoggaanka horyaalka Premier League.

Arsenal oo hoggaanka shan dhibcood ku hoggaaminaysa ayaa la kulantay guul-darradeedii labaad ee xilli ciyaareedkan socda, waxaana hilfaha u qaadday oo saddexda dhibcood ka qaadatay Everton oo kaga soo baxday khadka cas.

Gool madi ah oo uu daqiiqaddii 59aad uu Tarkowski madax ugu dhaliyey ayaa Everton ugu filnaaday inay guusha xaqiijisato, hase yeeshee Arsenal ayaa heshay fursado ay goolal u beddeli karaysay oo aanay ka faa’iidaynin.

Kubbad koorne ahayd oo uu soo laaday McNeil ayaa waxa madax ku qabtay Tarkowski oo dersin difaaca Arsenal ah dhex taagnaa, waxaana uu ku hubsaday shabaqa.

15kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta ayaa ku adkaa Arsenal, waxaanay ku hafteen kubbado madax ahaa oo ay dhinacyada ka keenayeen ciyaartoyda Everton oo dherer ugu faanayay.

 

Carlvert-Lewin iyo Doucoure ayaa khasaariyey laba fursadood oo madax ahaa oo ay taageereyaasha Everton u qaateen inay saddexda dhibcood xilli horeba ku helayaan, ka hor intii aanu Bukayo Saka ku qabanin kubbad fooli ahayd oo uu soo badbaadiyey Coady.

Weeraryahanka England ee Carlvert-Lewin ayaa ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada waxa uu baas qurux badan ka helay Coleman oo goolka hortiisa u dhigay kubbad uu ka keenay dhinaca midig, balse Calvert-Lewin ayaa lugta la waayey.

Tababare Sean Dyche oo ay u ahayd ciyaartiisii koowaad ee uu layliyo Everton oo usbuucii hore eriday Frank Lampard ayaa ku faraxsanaa sida ay kooxdiisu u ciyaaraysay ka hor intii aan la gaadhin waqtiga nasashada, waxaana uu hyelay saddex dhibcood oo durba ay kaga soo baxeen khadka cas.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ayuu Nketiah helay fursad fiican oo uu dhinaca midig kala soo galay kubadda, waxaana uu kala bakhaylay xiddigaha kooxdiisa isaga oo ku toogtay goolka oo uu dhinaca midig ka mariyey.

Daqiiqaddii dabbaal-degg: Everton ayaa si weyn ugu dabbaal-degtay gool madax ah oo ay u qalmayeen oo uu u dhaliyey Tarkowski oo madax ku qabtay kubbad koorne ahayd oo uu dhinaca midig kasoo qaaday McNeil, waxaanay xiddigaha martida loo yahay si weyn ula dabbaal-dageen taageereyaashooda.

Shan daqiiqadood kaddib ayay Arsenal ku doodday in rikoodhe loo dhigo markii uu xerada ganaaxa ku dhacay Gabriel Mgalhaes oo ay is-jiidheen Onana, waxaana uu garsooruhu kasoo fiifiriyey VAR oo u muujisay in aanu jirin qalad laga galay.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement