Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

Emmanuel Macron: “Ma dooneyno in la maquuniyo Ruushka”

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron


Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay inuu rabo in Ruushka looga adkaado dagaalka Ukraine, balse aanu dooneyn in la gaarsiiyo heer u uku burburo waddankaas dullaanka qaaday.

Macron oo la hadlayay warbaahinta Faransiiska ku hadasha ayaa ugu baaqay waddamada Galbeedka inay kordhiyaan taageerada milateri ee ay siiyaan Ukraine, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay dagaal daba-dheeraada.

“Waxaan rabaa in Ruushka looga adkaado dagaalkan, oo Ukraine ay difaacato dhulkeeda,” ayuu yiri Madaxweynaha Faransiiska.

Balse waxa uu diidday fekerka ah in dagaalka la gaarsiiyo ilaa gudaha Ruushka, si loo maquuniyo xukuumadda Moscow.“Anigu ma qaba fekerka ah in Ruushka si buuxda looga adkaado, oo dagaalka la gaarsiiyo gudaha dalkaas. Kuwa fekerkaas qaba waxa ay doonayaan in la burburiyo Ruushka, ma aha arrin aan taageersanahay,” ayuu hogaamiyaha Faransiiska u sheegay wargeyska Le Journal du Dimanche.

Hadalka Macron ayaa ku beegmay xilli hogaamiyayaasha ka qeybgalaya Shirka Amniga ee Munich ay ballanqaadeen inay dedejin doonaan hubka ay ku taageeraan Kyiv, isla markaana ay adkeyn doonaan cunaqabateynta saaran Ruushka.

Macron ayaa khudbaddiisa Munich ku sheegay in haatan aan la joogin xilli lala xaajoodo xukuumadda Moscow, balse wadahadal nabadeed uu yahay xalka ugu dambeeya ee laga gaari karo dagaalka Ukraine.

Hase yeeshee ma muuqata in xilli dhaw uu billaaban doono wadaxaajood ku aaddan dagaalka Ukraine.

Jimcihii, wasiirka arrimaha dibedda Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa soo dhaweeyay go’aanka shirka Munich looga reebay Ruushka.

Dagaalka Ukraine

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sidoo kale meesha ka saaray in si degdeg ah uu wadahadal ula yeesho hogaamiyaha Ruushkam Vladimir Putin, isagoo ku dooday in aanay jirin “aaminaad dhinacyada ah”.

Waraysi uu maalmo ka hor siiyay BBC ayaa Madaxweynaha Ukraine waxa uu meesha ka saaray fekerka ah in qeyb kamid ah dalkiisa la siiyo Ruushka, si dagaalka loo joojiyo.

Qaar kamid ah waddamada NATO ayaa horay ugu dhaliilay Madaxweynaha Faransiiska in dagaalka Ukraine uu farriimo is khilaafsan ka dirayo.

Macron ayaa bishii June 2022 ku baaqay in Ruushka aan “lagu bahdilin” colaadda Ukraine, arrintaas oo si adag ay uga jawaabtay xukuumadda Kyiv.

Qiimeyn bishii September 2022 la sameeyay ayaa muujinaysa in Faransiiska uu wax ka yar 2% ku leeyahay hubka dibedda uga imanaya Ukraine, halka Maraykanka uu dalkaas ku caawiyay 49% hubka dibedda uga yimaada.

Bilhii ugu horreeyay ee dagaalka Ukriane, dalal ku yaalla Bariga Yurub ayaa walaac ka muujiyay hab-dhaqanka Madaxweyne Macron, oo ay rumaysanaayeen inuu u janjeeray dhanka hoggaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin.

Waxaa baahay feker ah in Faransiisku uu xilligaa rumaysnaa in Ukraine aanay guul ka gaari karin dagaalka.

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement