War kasoo baxay Taliska qeybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in Ninka oo ku hubeysnaa Bustoolad ay Ciidamadu ku toogteen isgoyska xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim xilli uu doonayay in uu dilo askari kamid ah Ciidamada Aruuriya Canshuuraha ee Minishiibiyada.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dilka kadib ay Ciidamada sameeyeen howlgallo kale oo ammaanka lagu xaqiijinayay si ay uga hotagaan falal amni darro oo ka dhaca duleedka magaalada Muqdisho.
Dhowr jeer ayaa Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay askar katirsan Ciidamada dowladda kudileen Magaalada muqdisho iyo duleedkeeda kadibna ay baxsadeen
0 Comments