Ticker

10/recent/ticker-posts

Ad Code

DEG DEG:- Dagaal ka socda Magaalada Laas-Caanood

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in duleedka magaalada uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka ee la magac baxay SSC.

Somaliland ayaa xalay saddex jiho oo Magaalada Laas-Caanood ah keentay Ciidamo aad u farabadan, sida Buuntada Booda oo la geeyay Ciidaamdii ka soo baxay dhinaca tukaraq, Buuraha Goojacadde iyo Tuulada Samakaab 00 6km u jirta Magaalada Laas-Caanood.Goobjoogayaal ku sugan Aaga lagu dagaalamayo ayaa sheegay inay maqlayaan dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac, isla markaana mararka qaar ay hoobiyeyaal kusoo dhacayaan xaafado katirsan Magaalada Laas-Caanood.

Waxaa jira khasaro kala duwan oo dagaalka ka dhashay wallow aan weli sirasmi ah loo helin, iyada oo dhinacyada dagaalamaya ay helaan gurmadyo kala duwan, taas oo keentay in dagaalka uu sii xoogeysto.

Wararka kusoo kordha kala socda www.ayaanle24.blogspot.com

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement