Ciidamada oo watay Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa intii ay howlgalka kujireen beegsaday guryo lagu tuhmayay inay ku sugan yihiin Kooxo Ciyaal weero ah, isla markaana Ciidamada ay gacanta kuso dhigeen Kooxo burcad ah iyo dhalinyaro katirsan Ciyaal weerada.Taliyaha Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir Muxudiin warbac oo howlgalka qeybka ahaa ayaa kormeeray Goobaha ay howlgallada ka socdeen, isaga oo Ciidamada ku bogaadiyay xaqiijinta amniga.
Howlgalkaan Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa hubeysan ee Duufaan & Ciidamada Booliska ka sameeyeen degmada Kaaraan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii cabasho ay ka timid qaar kamid ah Shacabka oo ka cabanayay Kooxo burcad ah oo dhac u geysanayay iyo Ciyaal weero.





0 Comments