ATMIS ayaa wax laga xumaado ku tilmaannay in saddex ka mid ah kow iyo tobankii rakaabka ahaa ee saarnaa diyaaradda ay naftooda ku waayeen.
Siddeed sarkaal oo dhaawac ah ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho si gurmad caafimaad loogu sameeyo.
Madaxa ATMIS, ahna Ergeyga Gaarka ee Midowga Africa ee Soomaliya Ambassador Mohamed El-Amine Souef, ayaa u tacsiyeeyay qoysaska dadkii dhintay, wuxuuna u rajeeyay saraakiishii dhaawacantay bogsasho degdeg ah.
ATMIS ayaa sheegtay inuu socdo baaritaan lagu ogaanayo waxa sababay shilkan.





0 Comments