Qaraxaasi waxa uu ka dhacay Masjid ku yaalla magaallada Peshawar ee ku yaalla W/Galbeed ee dalkaasi, una dhow xuduudka Afgaanistaan.
Ninka Is-qarxay ayaa la sheegay inuu isku qarxiyey safka Koowaad ee Jamaacada ku tukanaysay Masjidka.
Afhayeenka Isbitaalka The Lady Reading Hospital (LRC), Maxamed Asim oo la hadlay Wakaallada Wararka REUTERS ayaa sheegay inay xaalladooda aad u liidato qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Is-qarxintaasi
0 Comments