MUQDISHO (SMN) – Dowladda Ruushka ayaa shaacisay in weerar madaafiic ahaa lagu qaaday diyaarad nuuca Helicopter ah oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee UTair xilli ay ku sugneyd Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Safaarada Ruushka ee dalka Jabuuti, ayaa sheegtay in madaafiic lagu garaacay diyaaradan oo laga leeyahay dalka Ruushka iyada oo ka qeyb qaadaneysay howlaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay.
Safarada ayaa xustay in weerarka uu dhacay 23-kii bishan, islamarkaana aysan jirin cid wax ku noqotay.
0 Comments